GAROWE (Kaab TV) – Laga soo bilaabo buuraha Sool iyo Sanaag, ilaa dhulka xoolaha hodanka ku ah ee Mudug iyo koonfurta colaadaha ragaadiyeen – Soomaaliya weli waxay la daalaa-dhacaysaa xasillooni darro daba dheeraatay.
Dagaallada beeleed ee soo noqnoqda ayaa sababay dhimasho, barakac, dhaawacyo, burbur hantiyeed iyo carqalad ku yimid dadaallada nabadeed.
Inkasta oo ay jiraan heshiisyo iyo waanwaano soo maray, hadana su’aasha weli taagan ayaa ah: maxaa sal u ah colaadahan aan dhamaanin? Maxaase xal waara looga gaari la’yahay?
Kaab TV ayaa isku dayay inuu su’aalahaani weydiiyo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxa uu xalka uu yahay.

