SO | EN

SO | EN

Colaadda Suudaan: Sannad dhimasho, qax iyo tacaddi sii socda

|

NAIROBI (KAAB TV) – Kumanaan qoys oo lagu qasbay inay ka cararaan colaadaha ka taagan dalka Suudaan kuwaasoo magangalyo ka helay magaalada Boro Medina, oo ah magaalada ay ku nool yihiin ilaa 50,000 oo qof oo ku taal Galbeedka Bahr el Ghazal ee dalka Koonfurta Suudaan.

Waa Sannad-guurada koowaad colaadda ka socota dalka Suudaan, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo bilawday bishii April ee sannadkii hore kuwaa oo saameeyay nolosha malaayiin ruux, iyadoo hadda cabsi laga qabo macluul inay ka dillaacdo waddanka.

Dagaalka Suudaan oo ku saleysan loolanka xukunka dalka ayaa u dhexeeya laba garab oo ka mid ah ciidamada waddanka oo ay kala hoggaaminayaan Jeneral Abdel-Fatah Al Burhan iyo Jeneral Maxamed Xasan Dagalo (oo loo yaqaano Xemeti).

Saamaynta laba iyo toban bilood oo colaadeed ayaa ahayd mid aad u xun. Kumanaan kun ayaa ku dhintay dagaallada, ama gabood-fallada la xiriira colaadda naxariis darrada ah, malaayiinna aad bay u gaajoonayaan. Dawladdii Suudaan ayaa si weyn u burburtay.

Dadka barakaca intooda badan waxay ku yimaadaan duruuf aad u liidata, waxaana yar kaalmada ay heli karaan iyadoo adeegyada dadweynaha ay horeba u xaddidnaayeen.

Qulqulka dadka ee ku soo qulqulaya magaalada Boro Madiina iyo deegaanada kale ee xuduudka ah ayaa ciriiri sii geliyay noloshada oo markii horeba aan wanaagsaneyn.  Cuntada, biyaha iyo goobaha caafimaadka ma kaafin karaan baahida dadka.

Waxaa sii dheer Nabadgelyo darrada waddooyinka ay soo maraan dadka soo barakacaya. Waxaana laga yaabaa in xilli roobaadka soo socda xaaladda sii adkeyn doono toddobaadyada soo socda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News