Warshiikh(KAAB TV) -Wararka ka imaanaya degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo waramaya in Maleeshiyaad hab beel u abaabulan ay dileen culumaa’udiin quraan saar u joogtay degmadaasi.
Wararka waxa ay intaa ku darayaan in ugu yaraan afar kamid ah Culumaa’udiinka lagu dilay weerarkaasi afar Kalana uu dhaawac soo gaaray uu ku jiro canug yar oo lasoo gaarsiiyay isbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho.
Dadka degaanka ayaa sheegay in culumaa’udiinkaan loo bartilmaameysaday hab beel, ayna kooxdii weerarka geeystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana jira in Maamulka Degmada ay ku baxeen oo lagu raad joogo.
Degaanka dhacdadaan ay ka dhacday ayaa lagu magacaaba Xaloole oo hoos taga degmada Warshiiq waxaana weerarkaan uu argagax ku beeray shacabka degaanka oo si weyn uga walaacsan weerarka noocaani ah ee culumaa’udiin lagu bartilmaamaysaday.
Sanadkii 2022ka dhamaadkeedi, degaankaan waxaa ka dhacay fal noocaani oo kale ah oo dad kasoo jeeda hal qoys lagu bartilmaameysaday iyadoo loo aaneeyay weerarkaasi mid u abaabulnaa aano qaabiil, waxaana inta badan Shabeellaha Dhexe ka jira weerarada aanooyinka qabiil oo sanadihii dambe si weyn looga soo wariyay.