SO | EN

SO | EN

Cunto Yaraan iyo Rajo La’aan: Xaalka barakacayaasha Gedo

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Yarow Isaaq Iimaan, 52 jir ah, ayaa sheegay in xaaladda dadka barakacayaasha ee ku sugan xerada Kabaase ay tahay mid aad u daran, iyadoo dadkaasi ay wajahayaan rajo la’aan iyo nolol adag.

“Waxaan imaaday 2011. Xaalka guud aad buu u liitaa. Ma jiro shaqo, mana jiro horumar,” ayuu yiri Yarow.

Warbixinnada Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in Soomaaliya ay ka jiraan in ka badan 3.8 milyan oo qof oo gudaha dalka ku barakacay.

Magaalo Aadan Cali, 38 jir, oo iyaduna ku nool xerada Kabaase, ayaa sheegtay in xaaladda ay kasii dartay ka dib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay duulimaadyadii gudaha ee tegi jiray Doolow, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya dowlad-goboleedka Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxay xaaladdu kasii darsantay markii dowladda Mareykanka ay jartay taageeradii gargaarka ee ay horey u siin jirtay barakacayaasha, gaar ahaan tii ka imaan jirtay hay’adda USAID,” ayey tiri Magaalo. “Waxaan rabnaa inaan gargaar helno. Dhalinyaradu wax dhaqaale ah ma haystaan.”

Cali Ibraahim Axmed, 43 jir, ayaa sheegay inuu yimid xerada Kabaase sannadkii 2016, ka dib markii uu kasoo qaxay gobolka Bakool. Waxa uu tilmaamay in afartii sano ee la soo dhaafay uusan helin wax gargaar ah.

“Afar sano wax gargaar ah ma helin. Markii Mareykanka uu joojiyay gargaarka, waxaa sii kordhay cunto la’aanta,” ayuu yiri Cali.

Cunto yari, biyo la’aan iyo adeeg caafimaad oo liita ayaa ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta dadka barakacayaasha. Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa bilaabay inay u gudbaan dhanka Itoobiya, gaar ahaan xerada qaxootiga ee Melkadida.

“Xitaa carruurta iskuulka tagi jirtay way isaga soo laabtaan gaajo darteed. Ma jiro wax cunto ah,” ayuu yiri Yarow.

Xaaladda amniga ee bannaanka magaalada Doolow ayaa aad u liidata, iyadoo ay halkaasi ka taliyaan kooxda Al-Shabaab. Dhalinyarada ku nool xerada Kabaase ayaa sheegaya in ay la daalaa-dhacsan yihiin niyad-jab iyo rajo la’aan.

Waxay si degdeg ah ugu baaqayaan in la helo gargaar bini’aadannimo, dib u dejin iyo xal waara oo u horseedi kara nolol ka wanaagsan tan ay hadda ku sugan yihiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News