MUQDISHO (Kaab TV) -Cabdalle Axmed Muumin oo ah suxufi Soomaaliyeed, u dhaqdhaqaaqe xuquuqda aadanaha, iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo wareysi siiyay Kaab TV ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee soomaaliya waxaa uu yiri” Aniga waxaan shaqki aan ka qabaa in uu sii jiri doono Magacaan Dawladda Federaal ah ee soomaaliya in uu sii jiri doonto ama macag soomaali ladho in ay sii jiri Doonto,oo Khariidada Calaamka ama maabka caalamka laga sii heli Doono shaki weyn ayaan runtii ka qabaa waana wacaal aan qabo shaqsiyan waxaana sabab u ah wax yaabo badan waxaa ka mid ah Maanta caalamka si Badalo waa weyn ayaa ka Dhacay,waddamo jiray oo soo taagnaa ayaa mesha ka Baxay,waxaa Arkeysa waxa ka socda Gaza.
Waxaa Arkeysa oo laga hadlayaa maanta in Dowlado waa weyn ay cagta mariyaan oo ay Baabi’inaayaan Dowlado ka yar Tusaale:Yugreen oo kale ayaad soo qaadankartaa waxaad Arkeysaa Dowlada Dhaqaale lahaa oo taagnaa oo jiritaankooda wacaal ka qabo, Jabbaan ayaa ugu Dambeeysay hadda oo dib isu weydiina kotonka sano ee soo sota sida ay xaalada ay noqon karto kuwo kale oo yurub ku yaala ayaa ka mid.
Iyadoo marxaladaas lamaraayo ayaa meeshaan yar ee soomaali layiraahdo waxay weli Garan la,dahay oo fahmi la,dahay in kalii Talisnimo wadanka Gadaal u celineyso Horay u wadeynin ah ayuu sii raaciyay Hadalkiisa Cabdalle Axmed Muumin .
Sidoo kale waxaa uu sheegay Amni Darada Taagan iyo Argaxisonimado ay soomaaliya soomaaliya ka Dhigeynin oo ay Dhibaato Tahay in musuqa iyo fasaadka lunsiga xoola Umadda in wadanku Hoos u Rideyso oo sumcadiisa ay Baabi’ineyso oo aysan horay u wadeynin.
In Hal qof kaligiis uu Dastuurkii iska Badasho oo uu yiraahado anigaa iska joogaayo waxaan Rabaa iska sameynaa,iyaduna in aysan keeneeyn Hormar waa waxas wax yaabaha uu ka hadlaayo wasiirka Arimaha Gudaha Puntland.
Daawo:wareysiga

