LAASCAANOOD (KAAB TV) – Dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood ayaa aragtidooda ka dhiibtay in maamulka SSC-Khaatumo aanan weli loo ogolaan ka qeybgalka shirka Madasha Wadatashiga ee Soomaaliya.
Jimcihii waxaa war saxaafadeed soo saaray Maamulka SSC-Khaatumo kaas oo lagu sheegay inaysan suuragal ahayn in laga hadlo midnimo iyo wadajir iyadoo shirka Madasha ee ka socda Muqdisho ay ka maqan tahay SSC-Khaatumo.