SO | EN

SO | EN

Daawo: Axmed Madoobe oo khudbad kajeediyay shirkii maanta ee arrimaha bani’aadanimada

|

Kismaayo (Kaab TV)– Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shirka madasha xiriirka arrimaha bani’aadanimada ee kajira Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirka ayaa musiibo ku sheegay deeqda iyo raashinka la siiyo dadka reer miyiga ah xilliyada uu roobku da’ayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in deeq bixiyaasha aysan ku eedeyneyn arrintaas madaxda Soomaalida in ay leeyihiin qaladkaas, sababtoo ah wax qorshe ah kama lihin abaaraha, fatahaadaha iyo musiibooyinka kale ee dhici kara.

“Qofkii beertiisa fasha markii ay u soo go’do hadii lasoo qaado oo dadka loo qeybiyo Galey macaawino ah, soo musiibo maaha” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in arrintaas looga danleeyahay in dadka beeraleyda ah aysan abuuran beerahooda oo lagu mashquulinayo macaawino markii ay ku dhaqaaqi lahaayeen inay dalag soo saartaan.

“Hadii aan weydiiyo wasiirka wax ku saabsan arrimaha bini’aadanimada wuxuu war iiga bilaabayaa deeq bixiyaashu waxay balan qaadeen inay noogu deeqi doonaan intaas’ sidoo kale hey’adda maareynta masiibooyinka hadaan weydiiyo qorshahooda wuxuu ku egyahay balan-qaadka deeq bixiyaasha” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Shirkaan uu madaxweynaha ka furay magaalada Kismaayo waxaa isugu yimid wasiirrada gargaarka ee dowlad goboleedyada iyo hey’adda maareynta masiibooyinka qaranka, waxaana looga hadlayaa xaaladaha bini’aadanimo ee kajira Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay Axmed Madoobe in muhiim ey tahay in la bedelo siyaasadda noocaas ah “waxbo Kama faa’iideyno deeq nala siiyo, laakiin waayihii abaaruhu dhaceen dadkii laga soo daad-gureeyey waqooyi iyo gobollada dhexe inta wax la baray maanta waxay ka mid yihiin hoggaamiyeyaasha dalka, sidaas oo kale ayaan u baahanahay hadda,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News