SO | EN

SO | EN

DAAWO: Eedeysane ka warbixin jiray qaabka loo baaro Mootooyinka Magaalada Muqdisho.

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta guda gashay kiis culus oo ka dhan ah laba eedeysane oo loo haysto inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ugu dambeyn soo galay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Bashiir Cabdi (Xaaji Suuxaaye) iyo Salaad Ciise Siyaad Abtidoon (Salaad Oolyo) ayaa lagu soo eedeeyay howlo basaasnimo iyo in ay gawaari u iibiyeen Al-Shabaab.

Xaaji Suuxaaye iyo Salaad Oolyo oo kahor hadlay Maxkamadda Ciidanka ayaa qirtay inay la shaqeynayeen Shabaab, waxayna sheegeen in la qasbay sidoo kalena ay daruuf u gaysay.

Eedeysanaha koowaad Cabdifitaax Bashiir Cabdi (Xaaji Suuxaaye) ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ahaa basaas u xilsaanaa indho-indheynta baraha kontaroollada, iyo gudbinta xogaha muhiimka ah ee Muqdisho, isagoo la wadaagi jiray argagixisada oo u iibisay Mooto Bajaaj.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News