MUQDISHO (KAAB TV) – Qeybaha kala duwan ee warbaahinta Muqdisho ayaa ka soo hprjeestay gole ay dhowaan dhisatay Wasaaradda Warfaafinta, kaasoo ay ururrada saxaafadda iyo madaxda warbaahinta hore uga soo horjeesteen.
Saxafiyiinta Muqdisho, oo kulamo xiriir ah maalmihii lasoo dhaafay ku yeeshay Muqdisho, ayaa sheegay inay dhisanayaan gole warbaahin oo ay iyagu leeyihiin oo madax-bannaan.