Hargeysa (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee maamulka Soomaaliland.
Sidoo kale, dabka ayaa markiisii hore qabsaday guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda magaalo Jimcaale, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday carruur walaalo ah, sida uu shaaciyay taliska ciidanka dab damiska ee maamulka Somaliland.
Dhanka kale, caruurtan waalaha ah ayaa waxaa lagu kala magacabi jiray Sacad Jimcaale Cabdi oo 3 sano jir ahaa ayaa dhintay, halka uu dhaawac kasoo gaaray dabkaas walaalkiis ka wayn Subeer Jimcaale Cabdi oo isna 5 sano jir ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidanka dab damiska Somaliland.
Warka taliska ayaa lagu sheegay inay ku guuleysteen daminta dabkaasi, halkaasina ay kasoo saareen dadka uu khasaaraha soo gaaray.
kiiskan waxaa hada gacanta kuhaaya ciidamada Booliska Somaliland, gaar ahaan laanta dambi baarista, waxaana maydka la geeyay xarunta C.I.D, si baaris loogu sameeyo.
Warka kasoo baxay Taliska dab damiska Soomaaliland ayaa waxaa baaq loogu diray guud ahaan bulshada reer Soomaaliland in aysan caruurta guriga uga xirin marka banaanka aadayaan sababtoo waxaa ka dhalankara halis weyn sida tan camal.
“Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada in aanan caruurta guryaha dusha lagaga xidhin. Sidoo kale dadweynuhu yaanay ku soo buuqin goobaha dabku ka socdo, hakana feejignaadaan halista dabka xilliga xagaaga” ayaa lagu soo gabagabeeyay.
Ugudambeyn, Somaliland waxaa ku badan gubashada, waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uu dab uga kacay magaalada Hargeysa, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh.