MUQDISHO (KAAb TV) –Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dab xoogan oo xalay ka kacay dhismaha Xarunta Laanta Dambi baarista C.I.D, kaas oo si weyn looga dareemay caasimada.
Qoraalka booliska ayaa waxaa lagu sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, isla-markaana uu ka kacay qol kamid ah xarunta C.I.D, balse lagu guuleystay in deg-deg loo damiyo, kadib markii ay gurmad meesha ku tageen gaadiidka dab-damiska.
Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in wax khasaare ah aanu gaysan dabkan, isla-markaana la xakameeyay kahor inta aanu ku fidin xafiisyada kale ee xarunta.
“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu Bulshada Caasimadda Dalka ee Muqdisho la wadaagayaa in wax khasaare Nafeed iyo mid Maal uusan geysan Dabkii ka dhashay Korontada ee Caawa ka kacay qol kamid ah qololka Ciidanka Ilaalada Xarunta Laanta Dambi baarista C.I.D” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Booliska
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa Ilaahay Mahaddii ah in Kooxda Dabdamisku oo ka howlgalay daminta Dabka ay ku guuleysteen”.
Dabkan ayaa intii uu socday saameyn ku yeeshay isku socodka isgoyska KM4 oo ay ku taalla xarunta, waana waddo mashquul badan oo ay dadweynuhu isticmaalaan.
Waxaa sidoo kale dabkan ka dhashay walaac xoogan, maadaama xarunta ay ku xiran yihiin eedeysanayaal ay soo qabteen ciidamada Booliska, kuwaas oo ku jira Xarinta C.I.D, laakiin booliska ayaa xaqiijiyay inay nabad qabaan dadkaasi, dabkana aanu gaysan khasaaro.