Beledwayne (KAAB ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas maanta oo Axad ah ay xirteen ciidano hubaysan
Dadka ayaa lagu soo waramayaa in waddooyinka qaarkood ay ku sugan yihiin koox hubaysan oo ka mid ah kuw macwiislayda.
Waxaa la sheegay in kooxday ay ka godoodsan yihiin xil ka qaadista maamulka Hirshabeelle uu ku sameeyay Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan.
Maamulka gobolka Hiiraan wax war ah ma uusan ka saarin xaaladda maanta ka taagan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte ayaa ah shaqsi lagu xasuusto doorkii weyna uu kasoo qaatay wajiga koowaad ee howlgaladii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee looga saaray kooxda guud ahaan Bariga gobolka Hiiraan.
Shaki badan ayaa ka dhashay xilka laga qaaday Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo mar ay is qabteen madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.