MUQDISHO (Kaab TV)- Dacwad sharci ayaa lagu soo oogay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, taasoo ay keeneen qareennada matalaya Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.
Warqada ayaa sheegeysa in cabasho katimid Xildhibaan Abiib oo sheegay in Aadan Madoobe uu ku xadgudbay, isla markaana si sharci darro ah looga eryay Baarlamaanka.
Shirkadan qareenada ee ka diiwan gashan Maxkamada Cadalada ee Bariga Afrika ayaa sheegay in ficilada lagula kacay xildhibaan Abiib oo ay kamid yihiin ka ceyrinta xubinimada Golaha iyo joojinta xuquuqdiisa xildhibaanimo ay kasoo horjeedaan qodobada 69,70,71 oo ah xeerarka iyo shuruucda lagu aas aasay East African community
Somalia oo aheyd dowladii ugu dambeysay ee ku biirta Bulshada Bariga Afrika ayaa wajaheysa dacwo isdaba joog oo ay ka gudbinayaan mas’uuliyiin iyo muwadiniin kuwaaso u dacwoonayo hay’adaha sharciga ee Bariga Afrika.



