MOGADISHU (KAAB TV) –Dagaalkii sokeeye ee lagu hoobtay ka dib, meel kasta dalka waxa ka socda dadaallo dibu-dhis ah oo ay dadku hormuud u yihiin. Haseyeeshee, horumarkaa sida adag lagu keenay, iyo soo kabashadaas ay nuglaantu ku lammaan tahay, waxay halis ugu jiraan in ay dawladdu wiiqdo.
Waxa la soo maray waayo qallafsan oo la la halgamayey jiritaan nololeed iyo bedqab amni, dadkuna ay baadigoobayeen cid mudaca barida kaga mudan ka siibta si ay salka dhulka u dhigaan.
Dhismayaasha quruxda badan, ee ay ku lammaan yihiin: maqaaxiyaha, suuqyada, kafeeyada casriga ah, soo labakaclaynta fanka, nasashada loo aado xeebaha neecawda leh ee bada waxay astaan u yihiin hiigsi dhaafsiisan nolol maalmeedka iyo in laga guurayo xaaladdii harjadka iyo naf-la-baxsiga ahayd, loona guurayo deggenaan, bedqab, martabad iyo maqaam yeelasho. Waxa saldhigaya bulsho qax ku jiri jirtay, waxa dib u dhismaya xiriirka dadkii kala’irdhoobay, waxa soo kabanaya raasamaalkii bulsheed ee ay colaaddu burburisay.
Xiisaha daran ee loo hayo bilicda, fanka iyo suugaantu wuxuu tilmaamayaa is helidda hayb wadareeddii ummadeed iyo farxad nololeed oo lagaga nasanayo murugada, welwelka, xanaaqa iyo kacsanaanta nafsadeed ee bulshada daashatay.
Ruuxda iyo tamarta lagu dhisayo noloshan cusubi waxay gaartay intii ay bulshadu karaysay. Haatan, waxa la joogaa xilligii ay dawladdu kaalinteeda si sax ah u qaadan lahayd oo ay dhaqangelin lahayd sharciyo iyo xeerar caddaalad ku dhisan oo lagu wado joogo. Sida oo kalana ay dhisto kaabayaal dhaqaale, mashaariic horumarinneed iyo adeeg bulsho.
Dhammaan adeegyada kala duwan ee bulshada waxa qabta shirkado iyo ganacsiyo gaar loo leeyahay. Haddii uu shacabku la hardamayo dibu-dhiska dalka iyo bixinta adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshada. Dhanka kalana siyaasaddii iyo dawladdii laga filayey horumar iyo hiigsi sare ay la wareegeen geeswayn (nukhbo), dhiigmiirad ah oo magaca dawladda ku xalaalaystay hantida ummadda, kuna kacaya awoodsheegad, eex, ku tagrifal iyo ninjeclaysi (oo ah cudurradii dumiyey dawladdii hore, sababayna coladda sokeeye), waxa burburaya tacabkii shacabka ee nafhurka iyo dadaalka lagu keenay.
In dawladdu ay horukac horseeddo ama in dib loogu laabto colaaddii sokeeye, labaduba waxay ku xiran yihiin dhaqan-siyaasadeedka geeswaynta, gaar ahaan hoggaanka dalka iyo kaalinta ay ka geystaan haldoorka kale ee bulsheed ee saamaynta iyo codka leh.
Tusaale kooban; haddii la helo siyaasi iyo hoggaan mabda’ iyo mawqif ku suntan, ganacsato feejigan oo ku dhac leh, suxufiyiin runta daaha ka fayda, suugaanlay codkooda ku cabbira iskacaabbinta dulmiga, culimo xaqa ku addinta, ururo bulsho rayid ah oo dhiifoon oo u halgama caddaaladda waa laga baaqsan karaa in dib loogu laabto jidkii qodxaha badnaa ee laga yimi, haddii se la aamuso, oo qof kasta is yiraahdo dantaada raaco, waxa hubanti ah in aysan jiri doonin dan gaar ah oo la ilaashado. Sababta oo ah sida uu Eebbe Qur’aankiisa inoogu sheegay dulmigu waa fitno aan ku ekaan doonin kuwa geystay oo keli ah, waa se wax bulshaweynta wada gaari doona, haddii aan afka la qaban, oo la iska moosin inta uusan ina wadaqaadin.
Waxa muuqata in fashilka dawladnimadu uu dib inoogu celinayo in dadka waddanka maalgashaday ay niyadjabaan, oo hantidooda dalal kale la aadaan, inta wax haysatana ay dalka ka qaxaan oo waddamada deriska ay nolol bidaan, tan oo maanta si shaacsane ah uga muuqata saaxadda bulsho-siyaasadeed ee dalka. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxay qayb ka tahay kuwa waarinaya rejoxumada dalka ku socota. Boobka dhulka, xaraashka hantida dadweyne iyo geeswaynta kooban ee xukunkii ka macaashay waxay u gogol xaarayaan in dalku galo burbur aan laga soo kaban, sababta oo ah waxa la hayaa jidkeedii.
Ma mudna shacab weynaha Soomaaliyeed in dalka laga niyadjabiyo, oo qalbiyadooda rejoxumo mustaqbaleed lagu rido. Waxay mudan yihiin dawlad daryeesha, adeeg siisa, oo dantooda ka turjunta. Ma se mudna dawlad dhiigmiirato ah.
Waqtiga ayeynu tartan kula jirnaa. Bulsho keli-u-nool ahina kama hortegi karto ugaarsiga geeswaynta siyaasadeed ee u abaabulan dhaca, boobka iyo awood sheegashada garabka og ee shacabka. Waa muhiim in la baraarugo inta aanay xeero iyo fadhaal kala dhicin, ee dib loogu laaban colaaddii iyo kala’irdhowgii ummadeed ee laga soo doogay.
Farriintu way caddahay: dib u soo noolaynta Soomaaliya si ay u ahaato mid waarta, dadaalka geesinnimada ah ee lagu raadinayo soo kabasho dhaqaale iyo bulsho ee shakhsiga ah waa in si la mid ah loola yimaaddo dadaallo miradhal ah oo dawlad-wanaagsan lagu baadigoobayo. Soomaalidu waxay caddeeyeen hal adaygga iyo adkaysiga ay nolol uga dhiseen danbaska dhexdiisa, waxayna mudan yihiin dawlad u ilaalisa horumarkaa, ee ma mudna mid dhiigmiirato ah oo dumisa tacabka hal adayga lagu keenay, ee wax la’aanta laga sameeyey.
W/Q: Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Jamuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliyeed .

