Muqdisho (KAAB TV) -Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday halka labo kale ay ku dhaawacmeen kadib shil gaari xanuun badan oo ka dhacay isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis.
Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood ahaa hal qoys, waxaana lagu soo waramayaa in ay ka qaybgaleen xaflad aroos ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in dadka geeriyooday ay u badnaayeen haween, marka laga reebo darawalkii waday gaariga.
Shilkan ayaa dhacay kadib markii gaari Saaruf ah oo xawaare ku socday uu si lama filaan ah ugu dhacay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Qoyska, xilli ay marayeen isgoyska Miranaayo.
Labada ruux ee dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada ku dhow, halka meydadkii la geeyay xarun CID si loo aqoonsado loogu wareejiyo eheladooda.
Hay’adaha amniga iyo taraafikada ayaa gaaray goobta, waxaana gacanta lagu soo dhigay darawalka waday gaariga Shilka geystay.
Weli laamaha Amniga ma bixin faahfaahin la xiriirta sida Shilka u dhacay iyo xog la xiriirta qofka ay xireen.