SO | EN

SO | EN

Dad ku dhintay weerar ka dhacay dalka Mareykanka

|

Dallas (Kaab TV) – Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof oo ka dukaameysanayey suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka sida ay sheegeen ciidamada gurmadka Boqolaal qof ayaa laga daad-gureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen kadib markii nin hubeysan uu si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay dad wadada marayey.

Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa, isla-markaasna ay rumeysan yihiin in uu kaligii falka geystay qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu soo waramayaa in ay caruur yihiin. Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka kuwaas oo saddex ka mid ah dhaawacoodu halis yahay madaxa dab damiska Allen Jonathan Boyd ayaa sheegay in toddobo qof – oo uu ku jiro ninkii hubaysnaa ay ku dhinteen isla goobta, halka labo qof oo kalena ay ku geeriyoodeen Isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa toogashada ku tilmaamay musiibo aan la qiyaasi karin wuxa uuna sheegay in gobolku uu diyaar u yahay in uu wax kasta oo gargaar ah u fidiyo maamulka deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News