SO | EN

SO | EN

Dad Rakaab ah oo ku xayiran Muqdisho & Nairobi + Sababta

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dad rakaab ah oo gaaraya 150 qof  ayaa ku Kala xayiran Garoomada Diyaaradaha ee Nairobi iyo Muqdisho kadib markii loo diiday in ay u kala safraan labada Magaalo.

Sida ay wararku sheegayaan dadkaasi oo soo raaci lahaa diyaaradaha Salaam air iyo Maandeeq Air ayaa DF u diiday inay safraan kadib markii ay bixin waayeen lacag 9-dollar oo laga rabo qof kasta oo dhoofaya.

Sidoo kale, dadka safraya ayaa horey lwaxaa ooga qaadi jiray lacag 4-dollar ah balse waxaa ay hada ka biyo diideen 5 dollar oo dheeraad ah oo ay Dowlada Soomaaliya ku kordhisay.

Dhanka kale, maanta gelinkii dambe ayey aheyd inay shacabkaasi ka soo kala safraan Kenya iyo Soomaaliya Balse 11-galabnimo ayey ku gaareen garoomada kadib xayiraadii dheerayd ee ay Dowladoodu kusoo rogtay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News