SO | EN

SO | EN

Dad rayid ah oo ku Geeriyooday tiro Hoobiyaal ah oo ku dhacay magaalada Baydhabo

|

BAYDHABO(KAAB TV) -Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa kusoo waramaya in khasaare uu ka dhashay hoobiyeyaal saakay lagu garaacay qeybo kamid ah xaafadaha ku yaala magaaladaasi oo caasimad KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa sheegay in seddex Hoobiye ay ku dhaceen xaafada Wadajir ee Magaalada Baydhabo oo mid kamid ah ku habsaday guri ay dad rayid ah deganaayeen waxaana walaac iyo cabsi ku abuuray dadka degaanka.

Ugu yaraan Hooyo iyo Canugeedi ayaa ku Geeriyooday Hoobiyeyaasha ku dhacay Xaafada Wadajir halka afar kale caruur ahna ay dhaawacyo kasoo gaareen sida ay dadka degaanka xaqiijiyeen.

Ilaa iyo hadda Maamulka Koonfur Galbeed wax war ah kama soo saarin hoobiyeyaasha saakay saaladii subax kadib ku dhacay meelo kamid magaalada Baydhabo, dhowr jeer oo horey ayay xaafadaan waxa ay Al shabaab ku soo qaadeen weeraro Hoobiyeyaal ah ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Isbuucii hore ayuu ahaa markii ay Kooxda Al shabaab ay Degmooyinka Muqdisho qeybo kamid ah ay hoobiyeyaal ay ku soo garaaceen waxaana ku dhintay ilma yar oo kusii jeeday Dugsi Qur’aan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News