SO | EN

SO | EN

Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyo ka dhacay Shabeellaha Hoose

|

Bariire (Kaab TV) – Saddex qarax oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah ayaa ka dhacay deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 5 Ruux halka 20 kale ey ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkood dhaawacooda culus yahay.

Xildhibaan Maxamuud Maaxi Yuusuf oo kamid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in qaraxa Koowaad uu haleelay laba qofood oo saarnaa Mooto Fekon, balse dadkii doonayay inay u gurmadaan qarax kale uu haleelay, sidaasina dadka ey waxyeelada kusoo gaartay ayuu yiri xildhiibaan Maxamed Maaxi Yuusuf.

Wuxuu sheegay in musiibo ey ka dhacday deegaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle, isla markaana dadka qaraxa ku dhaawacmay loo soo qaaday isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa aad ugu badan dhacdooyinka la xiriira qaraxyada Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso, kuwaas oo lala beegsado Ciidamada dowladda, hayeeshee mararka qaar ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarto dad Shacab ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News