SO | EN

SO | EN

Dad shacab ah oo lagu dilay dowladd deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

|

Laab (Kaab TV) – Qaar kamid ah shacabka ku nool gobollada dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka cabanayaa qaabka dowladdu u maareyso xalinta isku dhaca beelaha deegaanada qaar iyo arrimo kale.

Shacabka ku nool gobolada Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya oo wrbaahinta la hadlay aya shaaciyay in dhibato ay kala kulmaan xalinta dagaalo beeleedyada mas’uuliyiinta degaanka aysan waxba ka qaban arintaan.

Dhanka kale wararka ayaa Sheegaya in ilaa iyo afar qof oo shacab ay ciidamada dowlad deegaanka soomaalida ku dileen agagaarka tuulada Laab ee Degmada Beercaano kaddib muran ka dhashay goob ay dageen dadkaas oo ka soo fogaanayay fatahaadda wabiga Shabeele.

Sidoo kale, isla gobolka Shabeelle, waxay dadku ka cabanayaan in lagala wareegay beero ay tabcadeen qoysas ku nool degmada Elele ee gobolkaas, iyadoo talabadaa uu maamulka gobolka u sababeeyay, ka hortagga isku dhac beeleedyada ka Tagan Dhulka dowladd deegaanka Soomaalida.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News