Dhaadhaab (Kaab TV) – Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa cudurka daacuunka laga diiwaangeliyay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay degan yihiin Soomaali aad u farabadna oo ka cararay colaadaha kajira meelo badna oo kamid ah dalka Soomaaliya.
Saraakiisha Caafimaadka ayaa qiray in cudurka Shuban biyoodka uu saameeyay inka badan 2,800 oo Rux, isla markaana ay jiraan dhowr qof oo cudurka Xeryaha Dhadhaab ugu geeriyooday.
Sarkaal katirsan hay’adda MSF ayaa sheegay in cudurkaan uu saameeyay dad badan oo kunool Xeryaha qaxootga Dhadhaab, isla markaana ilaa saddex ruux ay u geeriyoodeen dad kalena ay weli la jiifaan.
Wuxuu sheegay in dadka Xeryaha kunool uusan cudurka ku dhicin balse ay jiraan dad Shaqooyin u yimid oo uu cudurka haleelay, kuwaas oo la geeyay Xarumaha Caafimaadka si gurmad loogu fidiyo.
Dowladda Kenya ayaa qorsheyneyso xero Afaraad oo katirsannaan doonta Xeryaha Dhadhaab si loogu kala yareeyo dadka faraha badan ee kusoo barakacaya xeryahaas si ay uga badbaadaan colaadaha kajira dalka Soomaaliya.