MUQDISHO (KAAB TV) – Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaan weydiinnay sida ay u arkaan bixitaanka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ee Soomaaliya.
Ciidanka ATMIS oo ku bilawday AMISOM ayaa dalka yimid sannadkii 2007, xilligaasi oo ay ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Muqdisho, iyadoo dagaal u dhexeeya Maxkamadihii Islaamiga iyo Dowladdii Kumeel Gaarka uu socday.
ATMIS waxay tan iyo sannadkii 2022 wadday dhimista ciidankeeda ku sugan Soomaaliya. Bishii Disembar 2023 waxaa baxay illaa 3,000 askari, halka bisha June 2024 la rajeynayo inay baxaan 3,000 kale.
Taasi ayaa ka dhigeysa in ciidan ka badan 10,000 uu weli ku harsan yahay gudaha Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhowaan sheegtay inay rajeyneyso inay ciidamo Afrikaan ah ku hari doonaan dalka kuwaasoo sugi doona ammaanka goobaha muhiimka sida garoomada diyaaradaha iuo xarumaha safaaradaha ajaaniibta iyo Qaramada Midoobay.
Haddaba, dadweynaha siday u arkaan bixitaanka ATMIS.