Koonfur Africa (KAAB TV) – Kooxo matalo qaar ka mid ah caddaanka laga tirada badan yahay ee Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka jawaabay, qorshaha uu Donald Trump ku doonayo in dadkaas dib u dajin qaxootinimo loogu soo raro dalka Mareykanka.
Sidoo kale, laba urur oo matal caddaanka Koofur Africa ayaa ka jawaab celiyay iyagoona Trump uga mahadceliyay go’aankiisa balse diiday qorshihiisa ku aadan in dadka laga soo tarxiilaayo Mareykanka dib udejin loogu sameeyo Koonfur Africa.
Dhanka kale, qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay wareegto madaxweyne oo uu Trump saxiixay Jimcihii, taas oo lagu joojiyay dhammaan gargaarka iyo kaalmada dhaqaale ee uu Mareykanka siiso Koonfur Afrika.
Sidoo kale, Aqalka Cad ayaa sheegay in tani looga dan leeyahay in lagu ciqaabo wax uu maamulka Trump ku sheegay “ku xad-gudubka xuquuqda” qaar ka mid ah muwaadiniinteeda caddaanka ah, oo ay ku dhaqaaqday dowladda.
Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Dowladda Koofur Africa oo ah dowlad ay muddo ka badan 30 sano majaraha u hayaan siyaasiyiinta madoowga South Africa, in ay ogolaatay weeraro gacan ka hadal ah oo ka dhan ah beeraleyda caddaanka laga tirada badanyahay.
Waxaa kale oo uu ku eedeeyay, in dowladdu soo saartay sharci lagula wareegayo beeraha caddaanka, iyadoo aanan wax magdhaw ah la siin.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa dhankeeda beenisay in ay jiraan weerarro wadajir ah oo lagu qaaday beeraleyda caddaanka ah, iyaga oo sheegtay in sifaha Trump ee sharciga cusub ee dhulka ay ka buuxan macluumaad khaldan iyo marin-habaabin.
Sikastaba, Caddaanka Koonfur Afrika ayaa weli guud ahaan ka nolol wanaagsan kuwa madowga ah, in ka badan 30 sano kaddib markii uu dhammaaday nidaamkii midab-takoorka ee caddaanka tirada yar ku hayeen dadka madow, kaas oo soo gaba gaboobay sannadi 1994-kii.