MUQDISHO (Kaab TV) – Dadweynaha degmada Dayniile ayaa saddex maalin oo xiriir ah la dagaalamay kooxaha dhul boobka oo wata ciidan booliska Soomaaliya ka tirsan iyo ganacsato la sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ka iibiyay dhul ku yaalla xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile.
Iska hor imaadyo rabshado wata ayaa kudhexmaray dadweyne u badan haween iyo carruur iyo ciidanka booliska-militariga oo ka tirsan ciidamada gaarka kuwaas oo uu madax u yahay sarkaal lagu magacaabo Aadan Dheere, kana mid xubnaha qaraabada la ah xaasaska Xasan Sheekh Maxamuud.
Dagaalka ayaa billawday maalintii Khamiista ee 16ka Abriil markaas oo shacab careysan iyo maleeshiyaadka deegaanka ay ka hor tageen kooxaha dhul boobka.
Dagaalka ayaa soo gaaray illaa fiidkii Khamiista.
Ilo deegaanka iyo isbitaallada ayaa sheegaya in illaa 6 qof ay ku dhinteen dagaalka Khamiistii.
Sabtidii iyo Axaddii ayay rabshado goos goos ah dheceen ka dib markii ciidanka booliska oo hubeysan ay weerareen xaafadda Warlaliska iyaga oo xiray dadka deegaanka qaarkood, isla markaana galay guryaha qaarkood.
Odayaal la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in dhawacyo ay soo gaareen, waxaana ka mid ah nin oday dhaqameedka beesha Murusade ah oo lagu magacaabo Nabadoon Cumar Maanafaato kaasoo dhaawac madaxa iyo gacanta uu soo gaaray.
ugu yaraan hal qof ayaa la sheegay in Sabtidii uu ku dhintay iska hor imaad muddo labo saacadood socday oo dhexmaray booliska-militariga ee dhul boobka u socday iyo dadka deegaanka ee difaacanaya guryahooda.
Caawa oo Isniin ah waxaa lasoo warinayaa in xaaladda ay deggan tahay, hase ahaatee boolis hubeysan ay weli ku sugan yihiin xaafadaha ay rabshaduhu ka dheceen.

Waxaa jira bandow saaran xaafadda Warlaliska habeenkii taasoo dadka ay sheegeen in dhaqdhaqaaqooda uu xayiran yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ay muddo ka yar bil uga harsan tahay muddo xileedkiisa ayaa si xawli ah ku wada dhul boobka Muqdisho, wuxuuna dhul boobkaab saameeyay dadka rayidka ee ugu nugul.
Hay’adaha barakacayaasha diiwaangaliya ayaa sheegaya in ka badan 140,000 qoys laga barakiciyay guryahooda sannadkii 2025, waxaana dadkaasi barakiciyay ciidanka dowladda.
Ila wareedyada Kaab TV la hadlay waxay sheegayaan in dhulalka danta guud ee dadka laga barakiciyay dib loo iibiyay, iyada oo lacagta caddaanka uu qaadanaayo Xasan Sheekh, oo aysan ku dheceynin qasnadda dowladda.
Dadweynaha ayaa sidoo kale sheegaya in ay aad u kordheen boobka dhulalka gaarka loo leeyahay oo iyaguna lagu darsanaayo meelaha ay sida boobka ku qaadanayaan kooxaha dhul boobka oo ku lamaansan dowladda Xasan Sheekh.
Mudaaharadyo looga soo horjeedo dhul boobka iyo barakicinta ayaa had iyo jeer ka dhaca Muqdisho, hase yeeshee warbaahinta ayay ku adag tahay inay soo gudbiyaan iyada oo dhowr jeer la xiray suxufiyiinta iyo xubnaha bulshada rayidka ee ka hadla tacaddiyada dowladda.

