SO | EN

SO | EN

Dadka deegaanka Degmada Deyniile oo xalay gacanta ku dhigay nin Bambo tuuri rabay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dad shacab ah oo ku dhaqan xaafad katirsan degmada Dayniile ayaa xalay mar kale qabtay nin dhallinyaro ah oo la sheegay in uu katirsanaa koxda Al Shabaab, kaa oo damacsanaa in bambaano tuuro.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in ninkan damacsanaa in bambaano ku tuuro goob askar iyo shacab ku sugnaayeen ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana ninkan jirdil xooggan u geestay qaar kamid ah dhallinyaradii xilligaasi gacanta ku dhigay.

Dhanka kale, Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Dayniile ayaa markii dambe lagu wareejiyay ninkan la sheegay in uu katirsanaa Al-shaaab ee la qabtay, waxa ayna laamaha amaanka ninkan u wateen xarumahooda, iyagoo baaritaanno dheeraad ah ku sameenaya.

Sikastaba, dhowr habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale shacabka degmada Dyaniile isna u qabteen nin dhallinyaro ah, kaa  oo la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al-shabaab, ninkaas ayaana xilligaas la tilmaamay in uu isna damacsanaa in uu bambaano tuuro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News