SO | EN

SO | EN

Dadka Kismaayo oo ku xoomay nibiri dhintay oo xeebta ku soo caariyay

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Dadweyne ku nool magaalo xeebeedka koonfurta Soomaaliya ee Kismaayo ayaa Sabtidii [16 August 2025] ku yaacay xeebta Kiboora ee magaalada Kismaayo halkaas oo nibiri weyn oo dhintay uu ku soo caariyay.

Lama yaqaano sababta keentay dhimashada nibirigan oo ay u muuqatay in habeenkii Jimcaha uu soo caariyay.

Kalluumeysatada deegaanka ayaa sheegay inay u badan tahay in nibirigan uu qabay dhaawac sababay inuu badda ku noolaan waayo ka dibna uu dhanka xeebta u soo cararay, sidaasna ku dhintay.

Dadweyne isugu jira dhallinyaro rag iyo haween iyo xitaa carruur ayaa ku yaacay xeebta magaalada, iyagoo qaarkood wata masaaro iyo seefaf si ay cambar (ambergris) uga baaraan nibiriga calooshiisa.

“Waxaan joogay xeebta meel u dhow markii aan maqlay in nibiriga uu xeebta ku soo caariyay, waxaana rabay inaan arko laakiin waxaan imaaday isaga oo dhintay marhore,” ayuu yiri Aadan oo ka mid ah dhallinyarada xeebta timid.

Dadweyne isugu jira dhallinyaro rag iyo haween iyo xitaa carruur ayaa ku yaacay xeebta magaalada, iyagoo qaarkood wata masaaro iyo seefaf si ay cambar uga baaraan nibiriga calooshiisa.
Dadweyne isugu jira dhallinyaro rag iyo haween iyo xitaa carruur ayaa ku yaacay xeebta magaalada, iyagoo qaarkood wata masaaro iyo seefaf si ay cambar uga baaraan nibiriga calooshiisa.

Axmed Nuur oo isaguna xeebta ku soo orday ayaa sheegay inuu u yimid markii uu maqlay in dad badani ay goobta joogaan, balse uusan arkin nibiriga oo nool ama wax cambar ah oo goobta laga heley.

Dadka seefaha iyo masaaraha watay ayaa googooyay nibiriga, taasoo keentay in xeebta uu ku baxo dhiigga nibiriga, aadna u waxyeeleysay nadaafadda xeebta.

Soomaalida ayaa aaminsan aragti ah in nibirira uurkiisa laga helo cambarka (ambergris) oo ah xabad ka timaada marka uu nibirigu mataq ka yimaada.

Cambarka ama ambergris waa qaali ah, oo waxaa lagu qiyaasaa 1 kilogram illaa 40,000 doolar.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo, Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya oo aan la ilaalin iyo kalluumeysiga sharciga darrada ee sababay xaaluf badan uu yahay sababta ugu weyn ee waxyeeleysa xayawaanada badda oo nibiriga ka midka yahay.

“Shalay nibiriga oo ka mid ah xayawaanada Alle badda ku arsaaqay ayaa isagoo dhintay ku soo caariyay xeebta Kiboora ee Kismaayo. Dadka qaar ayaa meelaha galiyay in la dilay. Ma jirto cid dishay ee isagoo dhintay ayuu soo caariyay,” ayuu yiri.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidan ka tirsan kuwa amniga loodiray xeebta si ay u xeraan goobta, dadkana uga saaraan.

Wuxuu sheegay in khataro caafimaad ay ka dhalan karaan.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo wuxuu sheegay in dhacdadan ay tahay markii labaad oo nibiri uu ku soo caariyo xeebta Kismaayo, iyadoo isbedelka cimillada iyo xaakufka deegaan badeedka ku socda ay tahay khatar ay wajahayaan xeebaha dalka.

Saameynta Kalluumeysiga Sharci-darrada

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika (in ka badan 3,300 km), taas oo hodan ku ah khayraadka iyo kala duwanaanshaha noolaha badda.

Ha ahaatee, xeebahaasi waxa si weyn u saameeyay kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la diiwaan gelin, isla markaana aan la xakameyn (IUU fishing) oo socday tobannaan sano.

Maraakiib shisheeye oo badan ayaa si sharci-darro ah uga kaluumeysta biyaha Soomaaliya, iyaga oo aad u ugaarsada noocyada qiimaha badan sida tuna, shark, lobster iyo snapper.

Isticmaalka shabaag culus iyo habka bottom trawling wuxuu dhaawacaa dhirta badda, seeraha iyo ugxan badeedka oo muhiim u ah taranka iyo quudinta noocyada kalluunka.

Tani waxay hoos u dhigtay tirada kalluunka, taas oo dhib ku noqotay kalluumeysatada yaryar ee Soomaalida oo ku tiirsan badda.

Kalluumeysiga badan ee noocyada sida shark wuxuu carqaladeeyaa dheellitirka dabiiciga ah ee badda.

Waxaa intaas dheer, shabaagta maraakiibta sharci-darrada ah waxay qabtaan xayawaanno aan bartilmaameed ahayn sida qoolley badeedda iyo kalluunka yaryar.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News