Nairobi (Kaab TV) – Tirada dadka gaajada isku dilay ee Kenya ayaa kor u dhaaftay 300 Talaadadii ka dib markii ay mas’uuliyiintu kasoo saareen meydad horleh meel kayn ah, taas oo ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee la xiriira cibaadada ee taariikhda dhaw.
Tirada dhimashada ayaa hadda gaartay 303 qof kadib markii 19 mayd laga soo saaray xabaalo ku yaalla keynta Shakahola ee koonfur-bari ee dalkaas.
Kenya ayaa sheegtay in dadkii kudhintay ey ahaayeen kuwo katirsan kaniisada Good News International Church, kaasoo uu hoggaamiyo ka yahay Paul Mackenzie, sidoo kale waxaa lasheegay in kooxdiisa uu ku amray in ey gaajo ey isu dilaan si ey Jannada ugalaan inta uusan dhamaan adduunka.
Dhanka kale waxaa la sheegayaa in 600 oo qof in la la’yahay, sida ay sheegtay mas’uul ka tirsan gobolka Rhoda Onyancha.
Sidoo kale 65 qof oo taabacsan ninka isku magacaabay wadaadka ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay is dilaan Isniintii kadib markii ay diideen inay wax cunaan intii u dhaxaysay June 6 iyo June 10 intii ay ku sugnaayeen xarun samatabbixin ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Kenya.
Mackenzie ayaa bishii April isku dhiibay booliiska waxaana loo diiday inuu ku baxo damiin bishii hore.