SO | EN

SO | EN

Dadweynaha Muqdisho oo ka careysan go’aanka mucaaradka

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa si aad ah uga careysan go’aanka xalay ay ku dhawaaqeen isbahaysiga mucaaradka ee Muqdisho kaas oo lagu baajiyay mudaaharaadyo maanta ka dhici lahaa Muqdisho.

Kaab TV ayaa aragti ururin ka sameeyay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Muqdisho, kuwaas oo tilmaamay in waxyaabihii laga hadlay xalay aanan lagu soo darin sidii xal loogu heli lahaa shacabkii la barakiciyay ee dhulalkooda iyo guryahooda laga qaatay.

Cabdullaahi Maxamed, oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku nool Muqdisho, ayaa Kaab TV u sheegay in mudaaharaadyadu ay yihiin dastuuri, dadweynahana aan loo diidi karin.

“Dowladdu ma diidi karto mudaaharaadka. Xasan Sheekh isaga ayaa shalay bannaanbaxayay oo waddooyinka taagnaa,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Khayre Ma-safaade ayaa isaguna sheegay in dad badan oo laga barakiciyay goobo kala duwan ay weli bannaanbada daadsan yihiin, oo weliba tacaddiyo xarig iyo jirdil loo geysanaayo dadkii cabashada muujiyay.

“Xitaa aragti lama soo bandhigin. Dadkii shacabka hal mar ayaa la yiri meelkasta hala baxo. Dadku weli way qeylinayaan. Xal looma sameyn,” ayuu yiri Khayre.

Inkastoo ay xalay Madasha Samatabixinta ee mucaaradka ay ku dhawaaqeen inay 9 maalmood dib u dhigeen bannaanbaxa, ka dib kulan ay la yeesheen odayaal beeleedyo, ayaa haddana saaka waxay mudaaharaadyadu ka bilawdeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ee bannaanbaxan joogay ayaa sheegaya in ay diidan yihiin dhul boob lagu haayo, iyagoo ku qeylinaayay ereyo ay ka mid yihiin “dooni meyno Xasan tuug. Dooni meyno dhul boob.”

Degmada Dayniile ayaa ka mid ah meelaha uu saameeyay dhul boobka lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxanmuud iyo qoyskiisa.

Isbahaysiga mucaaradku waxay sheegeen inay mudaaharaadyada dhigi doonaan 9 maalmood ka dib, waxayna sheegeen inay ka digayaan xarigga iyo jirdil lagu haayo xubnaha bulshada ee taageersan mucaaradka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News