Laascanood (KAAB ) Ciidanka Somaliland ayaa weerar ku qaaday maanta markale maanta goobo duleedyada magaalada Laascanood ay kaga sugnayeen kooxaha Kacdoonka.
Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in weerar xoogan ay kusoo qaadeen Galbeedka magaalada gaar ahaan meel ku aadan xerada Gooja-cadde.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha ciidanka Somaliland ee Sool Jen. Mahad Cambaashe oo maalmo kahor laga qabsaday agagaarkan hadda doonaya in uu dib u qabsado.
Weerarka kadib waxaa illaa iyo hataan socda dagaal culus oo dadka degaanka isaga difaacayaan duulaanka ciidamada Somaliland.
Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintii 23-aad, kaas oo haatan ka socda duleedyada magaalada Laascanood
Dagaalkan ayaa ku soo beegamaya xilli uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku wargeliyay Beesha Caalamka in uu xabbad-joojin samaynayo.