SO | EN

SO | EN

Dagaal beeleed ka dhacay degmada Luuq

|

Gedo  (KAAB TV – Dagaal culus ayaa saaka oo Arbaca ah ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada dega, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ku soo tooseen dhawaqa rasaas xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen gudaha magaalada iyo duleedkeeda. Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka fudud, iyadoo madaafiic goos-goos ah lagu garaacay xaafado ay dagan yihiin.

Maamulka degmada Luuq ayaan la xiriirnay, balse warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu soo kala gaaray labada dhinac. Weli ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Rabshadahan soo cusboonaaday ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii maamulka Jubbaland uu dhex dhexaadin ka dhexwaday beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay, kaas oo la doonayey in lagu dhex dhexaadiyo xabad joojin waarta. Saraakiishu waxay ka digeen in cid kasta oo jabisa heshiiska ay la kulmi doonto cawaaqib.

Jubbaland ayaan weli wax war ah kasoo saarin shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka dhacay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News