Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Galgaduud Ee Galmudug.

|

Dhuusamareeb (KAAB TV) – Dagaal beeleed ayaa ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Galgaduud kaas oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed.

Dagaal beeleedkan oo billowday xalay fiidkii ayaa la sheegay inuu weli ka socdo deegaan lagu magacaabo Bidhaan-dheere oo u dhexeeya Dhuusa-mareeb iyo degmada Gadoon.

Warar hoose ayaa sheegaya in iska horimaadka uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh taasoo sii xumeyneysa xiisadda deegaanka oo soo jireen ah dagaal beeleed inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyo beeleedka ayaa lagu soo waramayaa in uu salka ku hayo muran ku saabsan lahaanshaha dhul iyadoo dadka xoolo dhaqatada ah ay ku muransan yihiin lahaanshaha iyo gacan ku haynta dhulka daaqsinta ah ee miyiga.

Xiisadan saaka ka taagan deegaanka Bidhaan-dheere ayaa kusoo aadaysa xili inta badan deegaanada gobolka Galgaduud ay ka taagan tahay xiisado la xiriira dagaal beeleed.

Dagaallada qabaa’ilka ee gobolladan ku soo noqnoqday waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo habab wax ku ool ah oo lagu xallinayo khilaafaadka iyo dadaallada nabad-dhisidda. Jawaab la’aanta deg degga ah ee maamulka maxalliga ah ayaa kor u qaadaysa welwelka ku saabsan tallaabooyinka looga hortagayo dhacdooyinkan oo kale iyo ilaalinta bulshada ay dhibaatadu saameysey.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhaca dagaalo beeleedyo iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay geysanayaan maleeshiyo beeleedyo ka howlgala gobolkaasi, iyadoo dowladda ay dhowr jeer xoojisay dadaalo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaal beeleedyadaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News