Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Dagaal beeleed maanta markale dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo

|

Luuq (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo maanta ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalka uu saacadihii lasoo dhaafay si xoogleh uga socday duleedka degmada Luuq, iyadoo halkaasi maanta rasaas xoogan laga maqlaayay gudaha degmada.

Dhanka kale, labada maleeshiyo beeleed ee halkaasi maanta ku dagaalamay ayaa la sheegayaa inay isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalkan dib u qarxay ayaa daba socda dagaallo horey uga dhacay magaalada Luuq, kuwaasoo sababay xaalad amni darro.

Sidoo kale, labada dhinac ee dagaalamaya ayaa horey ugu muransanaa maamulka degmada Luuq iyo sidoo kale aargoosi ku saleysan dilal hore u dhacay, waxaa la xusuustaa in dhowr jeer oo hore ay isku dhaceen isla beelahan, balse aan xal rasmi ah laga gaarin khilaafkooda.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, oo uu hormuud u yahay madaxweyne ku-xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan, ayaa horey ugu guuldareystay in ay xaliyaan xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Inkasta oo dadaallo nabadeed la sameeyay, haddana dagaalka ayaa si kedis ah dib ugu qarxay, taasoo muujinaysa sida xal waara looga gaari la’yahay arrinta.

Waxgaradka iyo Odoyaasha dhaqanka ee degmada Luuq ayaa cod dheer ku baaqay in la joojiyo dagaalka, iyagoo ka digay inuu khasaare hor leh dhaliyo, lakiin baaqyadaas nabadeed weli ma aysan yeelan wax saameyn ah, maadaama dagaalkii uu sii laba kacleeyay mar kale maanta.

Labada beelood ayaa horey waxaa heshiis u kala dhex dhigay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hase yeeshee heshiiskaasi ma noqon mid waara, oo mira dhal noqda.

Sikastaba, Colaadda beeleedyada sii kordheysa ee degmada Luuq ayaa walaac weyn ku abuurtay bulshada deegaanka, kuwaasoo baaqyo isdaba joog ah u diraya dhinacyada dagaalamaya iyo dowladda, si loo soo afjaro rabshadaha, degmada Luuq ee gobolka ka socdo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News