SO | EN

SO | EN

Dagaal beeleed markale dib uga qarxay Gobolada Mudug iyo Puntland

|

Mudug (KAAB TV) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa saakay ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanno ay labada maleeshiyo horey ugu dagaallameen.

Sidoo kale, dagaalka ayaa maanta ka qarxay deegaan lagu magacaabo Jiicboor, waxaana wararka hadad soo baxaya sheegayaan in dagaalka uu kusii fiday deegaanno hor leh oo galbeedka gobolka Mudug ka tirsan.

Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa la isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana aagga dagaalka uu ka socdo gaaraya maleeshiyaad gurmad ah oo labada dhinac u kala gurmanaya.

Dhanka kale, Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ,ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalka ka socda galbeedka gobolka Mudug, waxaana dhaawacyada dadka dagaalka waxyeelada kasoo gaartay la geenayaa Gaalkacyo iyo Galdogob.

Sikastaba, Dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa marar badan aagaasi kusoo noq noqday, waxaana marar badan laga heshiiyay dagaalkan soo noq noqday ee u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed ee wada dega aagga lagu dagaalamayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News