Qalimow (KAAB TV) – Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya dagaal beelee markale dib uga soo cusboonaaday gobolka Shabeellaha dhexe dagaalkan oo udhexeeyay labo Maleeshiyo beeleed oo wada dega gobolka Shabeellaha dhexe ee maamulka Hirshabeelle.
Sidoo kale, dagaalka ayaa waxa uu kadhacay halka looyaqaano Qalimow iyo Bacaadley oo dhaca inta udhexeyso Balcad iyo Jowhar.
Dhanka kale, dagaal beeleedkan ayaa waxa uu daba socdaa muran kadhashay dhul Beereedyo kuyaala halkaas sida ey inoo xaqiijiyen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha Tuulada Bacaadley oo Warbaahinta lahadlay ayaa shaaca kaqaaday in Beeraha lagu haayo dhac iyo boob halkaasina lagu dhaawacay hal wiil.
Abuukar Maxamed oo kamid dadka deegaanka kana soo jeeda deegaanka Qalimow ayaa sheegay in dagaal lagu soo qaaday loona adeegsaday hubka dowladda sida uu sheegay wuxuunta intaasi kudaray in dagaalka looga dhaawacay labo qofood waxyeelo kala duwana ey soo gaareen.
Ugudambeyntii, Abuukar Maxamed ayaa waxa uu baaq udiray maamulka Hirshabeelle isagoona ugu baaqay iney soo faragaliyaan arritan iyo xiisadan dagaal ee katagaan halkaasi.