Mudug (KAAB TV) – Dagaal beeleed dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka socdo deegaan hoostago degmada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.
Sidoo kale, dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in mid kamid ah beelaha ku dagaalamaya halkaas ay duulaan soo qaaday ayna afar qofood ku dileen deegaan hoostaga degmada Afbarwaaqo, tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale, dagaalkan ayaa salka ku haaya muran dhul iyo, iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramaadan ayuunaa dhiig ku daadanayaa qeybo kamid ah gobolka Mudug.