SO | EN

SO | EN

Dagaal beeleedyo dhiig badan ku baxayo oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka ololaya

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa gudaha Soomaaliya ku soo badanaya dagaal beeleedyada ka dhacaya gobollada dalka kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, saameyna ku yeeshay ammaanka dadka shacabka ah.

Colaadahan, oo ay sii huriyeen hubka tirada badan ee galaya gacanta maleeshiyaadka qabaa’ilka, ayaa si xawli ah ugu faafaya gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Gedo, Bakool, Galgaduud iyo Mudug.

Colaadahan ayaa inta badan salka ku haya is qabqabsiga qabaa’ilka u dhexeeya ee ku aaddan kheyraadka biyaha, dhulka daaqsinka, iyo murannada dhulalka.

Waxaa sidoo kale taagan muranno la xiriira aanooyinka beelaha dhexdooda oo horey dad isaga dilay, kuwaas oo dib u soo laba kacleeyay.

Maleeshiyaadka qabaa’ilka ayaa isku adeegsanaya hubka culus oo ay ku jiraan qoryaha lidka diyaaradaha iyo gawaarida gaashaaman, taasoo kordhisay baaxadda khasaaraha colaadahan ay sababeen.

Colaadaha hadda taagan iyo meelaha ay ka dhacayaan

Shabeellaha Hoose –  waxaa ka taagan colaad ka socota degmooyinka Yaaqbiri Weyne, Wanla-Weyn, tuulooyin hoostaga Afgooye iyo Qoryooley.

Colaadda Yaaqbiri Weyne ayaa ka bilaabatay muran ka dhashay maamulka suuqa xoolaha ee Yaaqbiri Weyne oo u dhexeysa qabiilada Gaaljecel iyo Raxanweyn iyo Habargidir. Inta la og yahay waxaa ku dhintay dad ka badan 14 ruux oo ay ku jiraan labo haween iyo labo carruur ah.

Waxaa sidoo kale taagan xiisad degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah gobollada ugu kheyraadka badan ee dhanka beeraha, xoolaha nool iyo kalluumeysiga. Hase yeeshee waxaa badi gobolka ka taliya kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka Galgaduud oo adeegsanaya gawaarida gaashaaman
Maleeshiyaadka Galgaduud oo adeegsanaya gawaarida gaashaaman.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in colaadaha soo laa-laabtay ay dib u dhac ku yihiin amaanka gobolka.

Shabeellaha Dhexe – Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka taagan colaad deegaanada Mahaday iyo duleedka Jowhar, halkaas oo beelaha Jareer iyo Abgaal ay ku dagaalamayaan. Dhanka kale colaadda beelaha Gaaljecel iyo Jareer ayaa ka socota dhulka wabiga ku teedsan, halka beelaha Cabdalla Caroone iyo Celi ay isku haystaan Cadalle.

Degaanka Qalimow waxaa ku dagaallamaya maleeshiyaadka beelaha Moobleyn iyo Jareer Weyne.

Colaadahaan ayaa sababtay dhimasho gaareysa 7 ruux.

Hiiraan – Shabeellaha Dhexe –  Xuduudda u dhexeysa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa muddo toddobaadyo ah ka soconaya colaad qabiil oo u dhexeysa Xawaadle iyo Abgaal, taas oo salka ku haysa dilal aanooyin hore.

Oday dhaqameedyo isku dayay inay xalliyaan colaadda ayaa sheegay inay ku guul dareysteen ka dib markii lasoo qaban waayey maleeshiyaad horey dad ugu dilay deegaanka Ceel Baraf horraantii bishii Jannaayo ee sannadkaan.

Maamulka Hirshabeelle rasmi ahaan ugama hadlin colaaddan.

Dhanka kale, maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa horraantii bishaan walaac ka muujiyay colaad labo beelood u dhexeysa oo ka taagan degmada Matabaan. Beelaha Xawaadle iyo Habargidir ayaa dilal arxan darro isugu geystay degmada Matabaan waxaana weli taagan dirirta.

Bakool – Degmada Xudur ee gobolka Bakool waxaa ka taagan colaadda beelo isku degaan ah, kuwaas oo muran ka dhashay dilal iyo kufsi haween loo geystay oo deegaanka ka dhacay.

Dhimasha ka dhalatay colaadaan ayaa haatan mareysa ku dhowaad 10.

Dadaallo ay sameeyeen xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaanan saamixin in si buuxda colaadda loo demiyo.

Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bilo ka hor ku dhawaaqay in ay qaadayaan tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo dadka lagu eedeeyay in ay hurinayaan colaadaha u dhexeeya beelaha.

Colaadaha ayaa ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Colaadaha ayaa ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Galgaduud – Gobolka Galgaduud oo ah meelaha ugu daran ee ay colaadda isirka qabiilka ku saleysan ka taagan tahay ayaa waxaa ka fuean dhowr furin colaadeed.

Maleeshiyaad kasoo jeeda beelaha Mareexaan iyo Dir ayaa dagaallo goos goos ah ku dhexmarayaan deegaanka Xeraale iyo magaalada Caabudwaaq.

Tirada dhimashada ka dhalatay dagaalkan ayaa Sabtidii toddobaadkii hore gaartay 18, siday warbaahibta gudaha sheegtay.

Dhanka Cadaado waxaa colaad daba dheeraatay oo dhimasho badan sababtay ay ku dhexmareysaa qabaa’ilada Mareexaan iyo Habargidir taas oo galaafatay nolosha tobaneeyo ruux oo ay carruur ku jiraan, halka degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ay isku ugaarsanayaan maleeshiyo beeleed isku heyb ah oo ka wada tirsan Habargidir kuwaas oo dhowaan dad kala dilay.

Maamulka Galmudug ayaa baaqyo soo saaray marar badan, inkasta oo aan xal waara loo helin colaadda.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa iyaguna la daalaa-dhacaya deminta colaadda beelaha Leelkase iyo Habargidir taasoo galaafatay 20 meeyo ruux oo u badan dad reer miyi ah oo ay haween ku jiraan.

Gedo – Degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxaa dib u soo laba kacleeyay colaaddii u dhexeysay beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn taas oo ka bilaabatay muranka deegaanka ah. Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa horey u shaaciyay in la dhameeyay colaaddam hase ahaatee waxaa dib u soo laabtay colaadda.

Dad ka badan 700 ayaa ka barakacay degmada Luuq colaaddan darteed, kuwaas oo badankood aan weli ku laaban karin guryahooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News