Muqdisho (Kaab TV)– Dagaal culus oo aan weli khasaarihiisa la ogeyn ayaa saaka ka qarxay tuulada Samakaab iyo deegaanka Dhabansaar ee duleedyada Bariga iyo Waqooyiga Laascaanood, kaasoo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka Dhulbahante ee SSC.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka SSC Khaatumo Caaqil Cabdirisaaq Falaalug ayuu ku sheegay, in maanta Ciidamada Somaliland ay labo weerar ku soo qaaddeen deegaanka Dhabansaar iyo duleedka Tuulo-Samakaab iyo bariga magaalada Laascaanood.
Warsaxaafadeedka wuxuu intaas kudaray in wali uu dagaalka kasocdo dhinaca duleedka bairga Laascaanood, ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa, kala duwan, ayada oo dhawaqa hubka laga maqlayo meelo fog fog.
Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socda duqeyn xoogan, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee haatan ka taagan aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood.
Dhanka kle majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Soomaaliland hasayeeshee, muddooyinkii ugu dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.