Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo isku aruursanaayay duuleedka Ceel hareeri.
Waxaa lasoo warinaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa hubka culus ee dagaalka laga maqlaya deegaano ka fog fog Ceel hareeri.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshe wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka, maadama ay wali xabadu ka socoto.
Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta si weyn looga ciidayo inta badan gobolada dalka si farxad leh maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, taasi badal keedana reer Ceel hareeri ayaa ku ciidaya dagaal ay ku doonayaan iney isaga xureeyaan maleeshiyaadka Al-shabaab.