Muqdisho (Kaab TV) – Dagaal culus oo madaafiic iyo hub culus la isu adeegsanayo ayaa saaka ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida ay sheegayaan dadka ku sugan Laascaanood.
Saxafiyiinta ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhex bilawday saaka aroortii ciidamada is abaabulay ee SSC iyo kuwa Somaliland. Madaafiic xoogan ayaa la sheegayaa inay ku dhacayaan gudaha magaalada.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo goor sii horeysay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaafiicda ay bilaabatay ka dib markii taangiyo hor leh oo Somaliland leedahay la keenay duleedka magaalada Laascaanood.
Maamulka Somaliland ayaan weli ka hadlin duqeynta saaka ku socota Laascaanood iyo dagaalka intuba.
Dadka fara-ku-tiriska ah ee magaalada ku haray ayaa sheegaya in dagaalku uu ka socdo qiyaastii 7km magaalada duleedkeeda.
Dagaalka Laascaanood ayaa hadda galay 12 maalmood oo xiriir ah.
Bahda caafimaadka oo hadlay
Hawl-wadeennada caafimaadka ee isbitaala gaarka loo leeyahay ee Manhal ayaa sheegay in muddadii 12 maalmood ahayd ee dagaalku socday ay daweeyeen in ka badan 500 dhaawac ah oo ay ku jiraan dadka rayidka ah.
In ka badan 100 ayaa la qiyaasayaa in dagaalka ay ku dhinteen.
Hawl-wadeennada ayaa sheegay inay wajahayaan dhakhaatiirta iyo dawooyinka oo ku yar, waxayna ka codsadeen bahda caafimaadka inay sii laba-jibaaraan gurmadkooda ay ugu adeegayaan dadka dhaawaca ah.
Qaramada Midoobay waxay horey u sheegtay in tiro kor u dhaafeysa 80-kun ruux ay ka carareen Laascaanood dagaalka socda awgiis.
Beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu baaqay in dagaalka la joojiyo, balse illaa hadda ma muuqato hab lagu joojin karo dagaalkan naf iyo maalba galaaftay.