SO | EN

SO | EN

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka Macawiisleyda iyo Al-shabaab oo ka socda Hiiraan

|

Ceel hareeri(KAAB TV) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo duuleedka deegaanka Ceel hareeri, kaasoo u dhaxeeya ciidanka Macawiisleyda Xawaadle iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Macawiisleeyda weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo la sheegay iney isku aruursanaayay duuleedka deegaanka Ceel hareeri.

Dagaalka ayaa lasoo sheegaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana dhawaqa hubka culus ee dagaalka laga maqlayo deegaano ka fog fog Ceel hareeri.

Waxaa lasoo warinaya khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh inuu ka dhashay dagaalka haatan socda, hayeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha dagaalka u dhaxeeya Macawiisleeyda iyo Al-shabaab.

Dagaalkaan hadda ka socda duuleedka Ceel hareeri ayaa kusoo aadaya, iyo maalin ka hor in u dhaxeysa Ceel hareeri iyo Garas magan lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsana kooxda oo uu ka mid ahaa horjoogahii ugu halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi Rooble Nuunuule.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News