Biyo-Cadde (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ka socdo deegaanka Biyo-Cadde oo qaybo kamid ah ay weli gacanta ku hayaan ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta usheegay in goordhow uu dib qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayo dadka deegaanka iyo Al-Shabaab, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka kale, muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo in qaybo kamid ah magaalada ay gubaneyso, kadib markii ay qaraxyo ku xireen magaalada.
Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa isku sii ballaarinayo Biyo-Cadde, kuwaas oo ku guda jiro sidii magaalada looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale dagaalladan barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu garaacayo aagga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo jabiyo.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana sidoo kale jiro burbur xoogan oo ay argagixisada u gaystay deegaankan oo horay looga xoreeyay, balse ay dib ugu soo laabatay.
Xaaladda ayaa aad u cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka ku dhex-maraya deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah.
Sikastaba, todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab gudaha u galeen degmada Balcad oo qiyaastii illaa 35 KM u jirta magaalada Muqdisho, kadib saacado kooban oo ay magaaladaasi haysteeen maleeshiyaadka Khawaarijta, haddane dib looga saaray.