Muqdisho (KAAB) – Wasiirka Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal la sheegay inuu maanta Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Moodo Moodo ee gobolka Bay.
C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dagaalkaas uu dhexmaray ciidamo kala taabacsan labo sarkaal oo ka wada tirsan Al-shabaab.
“Moodo Moodo ayey Al-Shabaab maanta isku leysey 2 Amiir oo ayaa ka mid ah kuwa bakhtiyey sababtuna deegaankaaga cuntada ka jar keygana u daa.” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga.
“Cilmiga Al-Shabaab waxaa ka mid ah deegaanada KGS hala cunaqabateeyo oo yuusan gaari gelin isla gawaaridaas Gobol kale ha aado waa yaabe wiilasha Al-Shabaab ee ka soo jeeda Koofur Galbeed wax ma fahmaan miyaa.”
“Waxaa kaloo culuumtooda ka mid ah shirkad hebel oo isgaarsiinta ka tirsan yaan shidaal u tagin lana shidin isla anteeno kale oo ka taagan agteeda hala isticmaalo oo ha shidnaato Dadka Soomaaliyeed oo qaldaayaan kuna shaqeysanaayaan dhiig ma lahan miyaa waa yaabe”
“Naar hooba galaaso tiinbooy, laaya kuwa raba iney ayeeyooyinkiina baahi ku dilaan Anagana shaqadeena waa idinka qabsaneynaa idanka Ilaahey.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.