SO | EN

SO | EN

Dagaal goos goos ah oo caawa ka socda bariga magaalada Laascaanood

|

Garowe (Kaab TV) Dagaal xoogan ayaa caawa ka socda bariga magaalada Laascaanood, sida ay soo sheegayaan saxafiyiinta ku sugan magaalada.

Saaka ooTalaado ahayd ayaa aroortii hore lagu waabariistay duqeyn iyo rasaas goos goos ah oo ka bilaabatay duleedka magaalada.

Dhakhaatiirta ayaa sheegeysa in ugu yaraan 10 ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dagaalka maanta.

Dadka tirada yar ee ku harsan magaalada ayaa xaqiijiyay in madaafiic ay ku dhacday goobo ku yaalla gudaha magaalada, kuwaasoo aan weli si dhab ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, waxaa weli sii socda gurmadka ay helayaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Laascaanood oo kala ah maamulka Somaliland iyo jabhadda dadka deegaanka ee reer Sool.

Somaliland ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqday inay soo afjareyso kooxaha ka dagaalamaya Laascaanood, halka ciidamada is abaabulay ee hab beeleedka u dagaalamaya ee Sool ay ku dhawaaqeen inay difaacan doonaan magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News