SO | EN

SO | EN

Dagaal ka dhacay Buurta Gacan Libaax ee duleedka Berbera

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Ciidamada maamulka Somaliland oo beryahan ku sii qulqulayey duleedka magaalada Berbera ayaa xalay fiidkii dagaal la galay dagaalyahanka qabaa’ilka ee isku urursanaya Buurta Gacan Libaax, sida ay sheegayaan odayaasha deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkan uu qarxay ku dhowaad maqribkii ka dib markii casarkii shalay ay deegaanka Deri Maara soo gaareen ciidan ka tirsan maamulka Somaliland.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo sida dadku sheegayaan sababay in qoysaska reer miyiga ah ee ku nool duleedka Berbera ay bilaabaan inay ka qaxaan guryahooda cabsi ay ka qabaan dagaalka awgeed.

Buurta Gacan Libaax ayaa koonfur kaga beegan magaalada dekedda ah ee Berbera.

Maanta oo Isniin ah waxaa dagaalka ka hadlay suldaanka guud ee Beelaha Arab, Suldaan Axmed Cismaan Cadde oo ku baaqay in dowladda Somaliland ay ciidankeeda kala soo baxdo buurta Gacan Libaax si xaaladda loo xalliyo.

Waxaa baaq kale isaguna diray Guddoomiyaha ururka mucaaridka ee UCID, Feysal Cali Waraabe oo ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu ciidan u diray buurta taasoo uu ku sheegay inay tahay hurin colaad.

Maleeshiyaadka ku jira Buurta Gacan Libaax ayaa kasoo jeeda beelaha Garxajis, waxaana la sheegayaa inay diidan yihiin maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Ilo wareedyo ku sugan Berbera ayaa xaqiijinaya in maleeshiyaadka ay helayaan gurmad xooggan oo hub iyo ag isugu jira kuwaaso ku biiraya maalinba maalinta ka danbeysa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News