SO | EN

SO | EN

dagaal ka dhacay degmada Garbahaareey.

|

Garbahaarrey (KAAB TV) –  Ciidamada dowladda Soomalaiya ayaa saaka weeraray xarunta Madaxtootada degmada Garbahaarrey oo uu daganaa Guddomiyihii dowladda ugu magacaawnaa degmadaas ee  Xasan Sheekh Cilmi iyo Ciidamadiisa.

Weerarka kaidb waxaa halkaasi ka dhacay dagaal qaatay in ka badan laba Saacadood, kaas oo la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo aan wlei la ogeyn inta uu la egyahay.

Ciidamada weeraray Xarunta degmada Garbahaarrey ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha saldhiga Garbahaarrey Aabi, kadib sida la sheegay ammar sare oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Guddoomiyihii degmada Garbahaareey ee Maamulka Jubbaland uu xilka ka qaaday balse diiday iyo ilaaladiisa ay isku dhiibeen Ciidamada dowladda ee soo weeraray, isla markaana uu qabo dhaawac fudud.

Goobjoogayaal ayaa  u sheegay  warbaahinta  in dhinaca kale Ciidamo kasoo horjeeda Maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin qeyb kamid ah Xarunta degmada Garbahaareey, taas oo keentay inay cabsi dareemaan dadka kunool degmada Garbahaareey oo qaarkood billaabay inay barakacaan.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa xiran oo aan Shaqeyneyn Garoonka diyaaradaha degmada Garbahaareey sababo la xiriira khilaaf Maamul oo halkaasi ka taagan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News