Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo

|

Baydhabo (Kaab TV) -Dagaal ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo kaas sababay dhimashada saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dagaalkan oo dhexmaray ciidanka qaranka iyo xubno ka tirsan AL-shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Doon iyo Maur oo hoos yimaada magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ku geeriyooday dagaalka ayaa waxaa kamid ah Ku-simaha Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Yoonis Aadan, iyo Taliyihii Guutada 8-aad ee isla qeybtaas, Cali Caddow.

meelaha qaarkood ayaa laga maqlayay dhawaqa Duqeymo ay fulinayaan Diyaaradaha dagaalka.

Weli Maamulka Koofur Galbeed iyo Dowladda Federaalka kama hadlin dagaalka maaanta ka dhacay Duleedka magaalada Baydhabo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News