SO | EN

SO | EN

Dagaal ka qarxay Khartoum & wada-hadaladii socday oo fashilmay

|

Khartoum (KAAB) Dagaal culus oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa weli ka socda caasimadda Suudaan ee Khartoum iyo magaalooyin kale ka hor wadahadallada xabbad joojinta ee maanta la filayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Suudaan ay duqeeyeen goobo ay dad rayid ah degan yihiin, halka ciidamada (RSF) ay qabsadeen hanti shacab.

Magaalada Khartoum ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa deganaa xaaladdeeda, shacabka ayaa u dhag taagayay waxa kasoo bixi kara wadahadallada Jiddah, ka hor inta aan dib u dhagaha shacabku u maqal daryanka hubka.

Ciidamada Milatariga Sudan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay duqeeyeen goobo ay degan yihiin dadka shacabka ah halka ciidamada (RSF) ay qabsadeen hanti gaar loo leeyahay.

Dhinacyada Sudan ku dagaalamaya ayaa isku haya awoodda dalkaas iyo sidii looga heshiin lahaa isku darka RSF iyo ciidamada Milatariga,.Wadahadallada xabbad joojinta ee u dhexeeya wakiillada dhinacyada dagaallamaya ayaa maanta dib uga bilaaban doona Jeddah.

Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Ururada Bisha Cas ayaa ka digaya in nidaamka caafimaadka Suudaan uu halis ugu jiro burbur.

Kumanaan qof oo rayid ah ayaa ka qaxay caasimadda Sudan, waxaana dalalka shisheeye ay isku dayayaan inay ka daadgureeyaan muwaadiniintooda, xilli uu maalintii shanaad ka socdo dagaal ba’an.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News