BELED-XAAWO (Kaab TV) – Dagaal culus ayaa saaka ka qarxay magaalada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo gobolka uu sii galayo xaalad amni darro oo salka ku haysa khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in maleeshiyaad beeleed isku haya ay isku fara saareen dagaal culus aroornimadii Axadda, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Goobaha ganacsiga ayaa la xiray, halka shacabkii magaalada ay u carareen goobaha ay gabaadka ka dhigan karaan.
Waqtigan xaadirka ah, khadadka isgaarsiinta ee magaalada ayaa hawada ka maqan, taasoo adkeyneysa in la helo xog dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka.
Labadan maleeshiyo ayaa horay dagaallo ugu dhex maray Luuq, hase yeeshee waxaa la xaliyay khilaafkooda sanadkii hore.
Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay dagaalkan soo cusboonaaday, balse wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay dadka rayidka ah.
Wixii warar ah ee dheeraad ah, kala soco warbaahinta gudaha.