Dagaal ka socda magaalada Beledxaawo

|

GEDO(KAAB TV) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal mar kale ka qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo laga maqlayo rasaas culus iyo madaafiic.
Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen guryo ay deggan yihiin dadka shacabka ah iyo weliba xerada  UK ee ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, wallow aan la weli la ogeyn.
Sidoo kale, dadka shacabka ah ayaa ka barakacaya gudaha magaalada Beledxaawo, iyaga oo gaarey deegaanno ay kamid yihiin magaalada Mandheera.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News