SO | EN

SO | EN

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay bartamaha barxada Garoowe

|

Garoowe (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan oo ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, ayaa sheegaya in saakay koontaroolka bari ee Garoowe laga soo galo uu ka dhacay iskahorimaad dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, iskahorimaadka ka dhacay koontaroolka ayaa wararku sheegayaan in uu u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska Puntland iyo sidoo kale ciidamo kale oo katirsan PSF, kuwaa oo la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca magaalada Boosaaso.

Ciidanka booliiska ee ku sugnaa koontaroolka laga galo magaalada Garowe , ayaa la sheegay in ay is hortaag ku sameeyeen ciidanka ka yimid Boosaaso oo watay labo gaari oo nuuca dagaalka ah, waxaana muran kaddib halkaasi labada dhinac ku dhax maray dagaal dhiig ku daatay.

Dhanka kale, inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay iskahorimaadka ka dhacay koontaroolka bari ee Garawe, waxaa sidoo kale ku dhaawackay lix qof oo kale, kuwaa oo dhammaantood la geeyay isbitaal kuyaalla magaalada Garaowe oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Sarkaal ka tirsan booliska Puntland  ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan afar maxbuus oo kamid ah ciidanka PSF iyo labadii baabuur ay sateen, waxa uu sheegay in raggan lagu daba-socday baabuur (Bas) ah ay ka dhaceen mas’uul dowladeed oo ku sugan Boosaaso, balse faahfaahin intaasi dheer ma bixin.

Sikastaba, iska horimaadkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Puntland mashquul ku yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, mana jiro faahfaahino badan oo maamulka Puntland ka bixin dagaalkan saakay ciidankooda dhax maray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News